Dab Geystay Khasaare Hantiyadeed oo Ka Kacay Shirkadda Beder Guriceel+Sawirro

0

Wararka ka imaanaya Degmadda guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in dab geystay khasaare Hantiyadeed uu saakay ka kacay Shirkadda Beder Guriceel.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degmadda, dabka ayaa ka dhashay goob lagu keydiyo Shidaalka oo ay yaalleen fuustooyin badan, kadibna waxa uu dabku gaaray ajab Shidaal oo ay leedahay Shirakadda Beder Guriceel.

Burbur baahsan ayaa gaaray qaybta Maqaayadda iyo Dhismayaasha Ganacsi ee Beder oo ka kooban qaybo badan oo isku meel kuwada yaalla,waxaana laga cabsi qabaa in dabka uu ku faafo Shirkadda Hormuud oo dhinaca ku heysa Beder Guriceel.

Ma jiro wax Dabdamis ah oo yalla Magaaladda si Dabka loo damiyo,waxaana la damiyay Dhamaan Shirkaddaha Korontada Magaaladda Guriceel.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here