Maxkamadd ku taallo dalka Rwanda ayaa xukuno ku riday 15 qof oo lagu eedeynayo inay xiriir la lahaayeen dhaqdhaqaayada Al Shabab iyo Daacish.
13 kamid ah eedeysanayaasha ayey maxkamaddu ku ruday xukun dhan 5 sano oo xarig ah, halka labada eedeysane ee kale lagu xakumay 10 sano oo xarig ah.
Maxkamadda sare ee deegaanka koofureed ee Nyanza ayaa sii deysay 25 qof oo kale, kadib markii xeer ilaalinta dalka Rwanda ay ku fashilmeen inay keenan cadeymo la xiriira eedeymaha loo soo jeediyey dadkaasi.
Ciidamada Police-ka dalkan dhaca bartamaha qaaradda Africa ayaa xir xiray 40 qof bishii January sanadkii 2016, kadib wax kayar toddobaad markii ay dileen Muhammad Mugemangango oo ahaa nin dhalinyarada dalka Rwanda ku dhiiri geliyo inay ku biiraan Al Shabab.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale soo qabtay agab badan oo ay kamid yihiin buugaag iyo cajalado CD.
Mid kamid dadka xukunka lagu riday oo lagu magacaabo Salim Fundi ayuu garsoore Eugene Ndagijimana ku eedeeyey inuu ahaa nin hago dadka doonayo inay ku biiraan Al Shabab sidaasna uu xukunka ugu dhacay.
Dadka la xukumay waxaa kamid ah seddex haween ah, labo haweenkaas kamid ah waxaa lagu xiray airport-ka magaalada Kigali iyagoo kusii jeeda dalka Syria, sidoo kale waxa la xukumay qof labadaas haween ka bixiyey lacagta ticket-ka oo gaareysay $1000.
Badi dadka u dhashay dalka Rwanda ayaa ah Christians, halka Muslimiinta waddankaasi ku nool lagu sheegay in tiradoodu ay gaareyso 2.5 boqolkiiba marka loo fiiriyo guud ahaan dadka u dhashay dalka Rwanda.

