Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir aadan Cilmi (Indha Qarshe),ayaa mar kale digniin u direy Saraakiisha Iyo Ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee gadoodsan.
Waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in ciidamo iyo saraakiil ay ka hor yimaadaan nidaamka Dowladda ay wado.
Sidoo kale waxa uu sheegay ciidankii milatariga ee dhawaan gadoodka sameeyay ay yihiin kuwa aan damiir laheyn uu qabiilku dilooday,islamarkaana kuwa xun ay ciidamadda ka bixi doonaan.
”aad ayaan ugu amaanayaa dowlada go’aanka ay qaadatay ee ah in la sameeyo tirakoob ,ciidan mustaqablka waxa tara dalka iyo dadka ayaa loo baahan yahay, waxaan ogahay inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn,qabiilku dilooday, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka baxayo ciidanka,ciidanka wuxuu u baahan yahay xero in loo sameeyo, ciidanka wuxuu u baahan yahay inay helaan tababar wanaagsan, sidee qorshe loogu sameynayaa hadaan tiradiisa la ogeyn”.ayuu yiri taliye Indhaqarshe.

