Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Amaanka deeganadda Maamulkaas, iyo dagaalka Xarakadda al-shabaab.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Saadaq Shiikh Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in amniga Deeganadda Maamulkaas uu yahay mid la isku haleyn karo.
Waxa uu sheegay in ciidamadda amaanka Galmudug heegan la galiyay,islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaalka Al-shabaab.
Dhanka kale Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Saadaq Shiikh Yuusuf ayaa sheegay in ay ka warqabaan in shabaab ay ku sugan yihiin Koonfurta Magaaladda Dhuusa-mareeb,islamarkaana ay weerar ku qaadi doonaan.

