Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab lagu dilay deegaanka Yaaqbari ee Gobalkaas.
Sarkaalka la dilay ayaa shabaab u qaabilsanaa degmada Wanlla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose,waxaana la sheegay in ay dileen dadka deegaanka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu dhibaatooyin ku hayay shacabka deegaanka,ugu dambeyntiina ay dileen.
Dhanka kale waxaa deegaanka Yaaqbari-wayne ka taagan maanta xiisad arintaasi ka dhalatay oo u dhaxeysa dagaalyahanadda Al-shabaab iyo dadka degaanka.

