Ganacsade Abuukar Cilmi Juuni, oo Lagu Dilay Magaalada Cape Town

0

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxay dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed.

Dilkaan ayaa ka dhacay goob Ganacsi oo ku taala Magaaladda Cape Town ee dalkaas.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Abuukar Cilmi Juuni,waxaana lagu weeraray goobta ganacsi oo afar cisho ka hor ka shaqo bilaabay.

Ala u naxariistee Abuukar Cilmi  ayaa ku rajo weynaa in Somaaliya kusoo laabto waqti dhow oo uu gabi ahaanba kasoo dhamaado dalka Koonfur Afrika oo uu ku dhawaad 10-sano ku noolaa.

Magaalooyinka dalka Koonfur afrikawaxaa sanadakan 2019-ka lagu dilay ganacsato Soomaaliyeed,waxaana jirin talaabo ay qaaday dowladda dalkaas oo wax looga qabanaayo dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here