Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Socda Shabeellaha Dhexe+Dhageyso

0

 

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo saakay ka dhacay Tuulada Burdheere Degmada Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya arrimo dhuleed,waxaana la sheegay in mudo ka hor ay halkaas ku dagaalameen labadda Maleeshiyo beeleed.

Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku dhimatay oo u badan dhinacyadii dagaalamay,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 10-kale.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu mar joogsaday balse uu dib u bilowday goordhaweyd.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wada dadaal ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaal Beeleedka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here