12-sano Jir Si Arxandaro Loo Dilay oo Laga Helay Magaaladda Gaalkacyo  

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in saakay Xaafadd kamid ah magaaladaas lagu arkay meydka gabar yar oo si  arxandaro ah loo dilay.

Caasho Ilyaas Aadan oo 12 sano jir aheyd oo saakay meydkeeda  la helay ayaa qoyskeeda ka maqneed ilaa maalintii shalay aheyd,waxaana xalay lagu baafinayay baraha bulshadda.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladeeda meydkeeda ayaa saakay lasoo dhigay guriga laga weysanaa,waxayna noqotay arrin mucjiso ah.

Meydka Gabadha yar ayaa la geeyay isbitaalka magaaladda gaalkacyo waxaana jirkeeda ka muuqday Nabaro ah dhaawac ah sida ay sheegeen saaraakiil caafimaad.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga cida ka dambeysa falkaan lagu dilay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 sano jir aheyd.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here