Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa xalay duqeyn ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle.
Duqeyntaan ayaa lala beegsaday Saldhigyo Xarakadda Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaano ka tirsan Gobolkaas,balse lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo loogu hadlaayo duqeynta ka dhacday Hiiraan.
Mareykanka ayaa habeen hore duqeyn ka fuliyay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose,wuxuuna sheegay in lagu dilay 2-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Shabaab.

