Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidamadda malatariga Dowladda federaalka oo goordhaweyd lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Inta u dhaxeysa Xiro Maslax iyo Ex-control Afgooye sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa askari dilay xili uu watay Mooto,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay,waxayna horey usoo qaateen Qori Ak47.
Askari la dilay ayaa lagu magcaabi jirey C/Waaxi Macalin Cusmaan (Dhashiike).
Magaaladda Muqdisho iyo hareeraheeda waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah iyo xubnaha dowladda Ka tirsan.

