Mareykanka oo Shacab Ku Xasuuqay Gobolka Shabeelaha Hoose+Sawirro

0

Warbaahinta Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Sawiradda khasaaraha ka dhashay duqeyn xalay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeymaha ayaa ka dhacay Kuunya Barow, Awdheegle, deegaanka Dacaaraha ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida Shabaab ay sheegeen diyaradaha Mareykanka ayaa beegsaday guryo shacab ay dagaanayeen, iyo goobo ganacsi oo ku yaala Deegaanadda la duqeeyay.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in duqeyn lagu dilay Canug yar oo umusha lagula jiray islamarkaana dhallanaa 20 maalmood oo qura iyo Macallin dugsi Qur’aan.

Ma jiro wax war ah oo ksoo baxay Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo duqeynta Shabeelaha hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here