Diyaarado Xalay Duqeeyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in diyaaradaha Mareykanka ay xalay duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Duqeymahaan ayaa ka dhacay deeganadda Kuunya-barrow Jannaale iyo Dacaraha oo dhamaantooda ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, islamarkaana kamid ah goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab.

Sida ay inoo xaqiijiyen dadka deegaanka dhawaqa jugta culus ayaa si weyn loogu maqlay deeganadda saqdii dhexe ee xalay,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Shabaab oo ka hadlay duqeynta waxa ay sheegeen in lagu dilay 3 ruux oo ay ku jirto gabar yar oo dhalan 20 cisho, macallin dugsi Quraan iyo qof kamid ah dadka deegaanka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda afrika oo loogu hadlaayo duqeynta ka dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here