Sanator Xuseen Shiikh Maxamuud oo kamid ah Xildhibanadda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Xildhibaanadda Cusmaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Xildhibaanadda baarlamaanka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboo-ka ayuu ku sheegay in uu aad ugu naxay Geerida Xildhibaan Boqore oo ahaa Xildhibaankii ugu da’da weynaa Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in isbuuc ka hor ay wada Kulmeen Xildhibaan Boqore islamarkaana uu u sheegay in lagala wareegay Ciidamadii ilaaladda u ahaa cabsina ay soo wajahday.
“Allah u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo gacan ka xaqdaran ay dishey, Aad iyo aad ayaan uga naxay geerida Xildhibaanka oo aan iska tirsaneyn Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka, Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaar ka ah maadaama Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegey”ayuu yiri Sanator Xuseen Shiikh maxamuud.

