Al-Shabaab ayaa soo bandhigay 13 askari oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhanka ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Jubbaland.
Askartaan ayaa lagu soo soo bandhigay deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, wuxuuna askari walba watay Qori AK47 iyo booshkiisa.
Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in kusoo biiraan dhanka Shabaab ayna kasoo baxaan dhanka Dowladda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Jubbaland oo loogu hadlaayo arintaan.

