Faah-faahin;-Qarax Bam oo caawa ka Dhacay degmada Yaaqshiid

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Bam oo Caawa Ka dhacay Laanta Horseed degmada Yaaqshiid, ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal kooxo hubeysnaa ayaa Bamka gacanta lagu tuuro ku weeraray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaas ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay 5 qof oo midkood uu yahay askari Ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya  ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa.

Kooxihii ka dambeeyay weerarkaan ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana haatan goobta gaaray Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here