Qaramada Midoobay waxay baareysaa khilaafka soo kala dhex galay wakiilka gaarka ah ee xoghayah guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Nicholas Haysom iyo dowladda Somalia sida uu sheegay afhayeenka labaad ee QM Farhan Haq.
“Waxan eegeynaa waxa dhacay, waxaana isku dayeynaa inan helno faahfaahino badan oo ku aadan arrintaas iyo tallaabada loo baahan yahay” ayuu Farhan Haq u sheegay warbaahinta.
Hadalka kasoo yeeray afhayeenka labaad ee qaramada midoobay ayaa kusoo aadayo kadib markii dowladda Somalia ay talaadadii ka dalbatay wakiilka gaarka ah ee xogaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Haysom inuu isaga baxo dalka.
Dowladda Somalia ayaa Nicholas Haysom ku eedeysay ku xad gubid dhan diblomaasiyadda ah iyo faragelin uu ku sameeyey hab maamulka qaranka.
Haysom waxa uu Somaliya ka shaqo bilaabay bishii September ee sanadkii 2018, waana muddo haatan laga joogo afar bilood.

