Taliye C/qani Axmed Faarax oo Lagu Dilay Degmadda Baladxaawo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay gudaha Magaaladaas ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida Somaliya.

Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay subaxnimadii saakay C/qani Axmed Faarax oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamadda Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Baled Xaawo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal kooxihii hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday waxaana goobta gaaray Ciidamadda Nabadd Sugidda oo halkaas ka sameeyay baaritaano ammaanka ku saabsan, balse cidna sooma qaban.

Shabaab ayaa inta badan sheegtay mas’uuliyadda dilalka loo geystay Saraakiisha iyo Ciidamadda Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here