Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in uu jiro abaabul ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulkaas oo lagu dooranayo Madaxweyne Cusub.
Xildhibaan Nuur Isxaaq Shiikh Cadde oo kamid ah Xildhibaanadda KGS oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ka badan 55-xildhibaan ay maalinta bari ah dooran doonaan Madaxweynaha Cusub ee Koonfur Galbeed.
Waxa uu sheegay in 5-ta bishaan lagu balamay In doorashadda Madaxweynaha ay dhacdo balse faragalinta dowladda ay keentay in doorashadda dib loo dhigo islamarkaana 19-ka bishaan la gaarsiiyo.
Dhanka kale Xildhibaan Nuur ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Koonfur Galbeed usoo dirtay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo uu sheegay in uu kasoo qeyb qaatay Duminta Maamul Goboleedka Galmudug.
Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheequnaa Maye uu xiriir dhow la leeyahay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana amarkeeda uu ku shaqeeyo.
Arintaan ayaa imaanaysa xili Todobaadkaan guddiga doorashadda Koonfur galbeed ay sheegeen in doorashadda maamulka dib loo dhigay ilaa 19-ka bishaan December.

