Al-shabaab oo Sheegay in Magaaladda Muqdisho ay Ku Dileen C/rashiid Bakaaro

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dil xalay ka dhacay Xaafadda Towfiiq oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka banaadir.

Sida Shabaab ay sheegeen, C/rashiid Bakaaro oo la sheegay in Ergadii Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle uu ka tirsanaa ayaa lagu dilay Xaafada Towfiiq,wuxuuna kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaanay Suuqa Bakaaraha.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana saakay Marxuumka lagu aasay Magaaladda Muqdisho.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in C/rashiid uu xiriir wanaagsan mudooyinkii dambe la lahaa Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,inkastoo qoyskiisa ay ka gaabsadeen.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan dambe ku soo badanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya , iyadoo xittaa la dilaayo dadka u shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here