Xarakadda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay labo askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamadda Malatariga Dowladda federaalka Soomaaliya.
Askartan oo labo ah ayaa waxa ay ka hawl gali jireen aagga Marko iyo Shalaambood ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay lasoo baxsadeen hubkii ay ku shaqeynayeen.
Mar ay la hadlayeen Warbaahinta Shabaab ayay sheegeen in sababta ay ugu soo goosteen dhanka Dowladda ay tahay in ay ka hoos shaqeeyaan muddo Ciidamadda Amisom oo dalka awood ku jooga sida ay sheegeen.
Sidoo kale waxa ay sheegeen iney usoo joogeen qofkii dukada salaadda oo laga shakinayo. Intaa waxa dheer dhaqan xumada ciidamada Dowladda sida ay sheegeen .
Ma jiro ila ka madax banaan shabaab oo xaqiijin kara in raggaan ay ka tirsnaayeen Ciidamadda Dowladada Federaalka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hore usoo bandhigay ciidamo ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.





