Wararka ka imaanaya Xaafadda Midnimo deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka Muqdisho ayaa ku waramaya in Nin Odey ah uu xaday Gabar uu Awoowe u yahay.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Odeyga falkaan sameeyay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Maqsuud,wuxuuna dhawaan ka yimid dhanka qurbaha(Dibadda).
Odey Maqsuud ayaa la sheegay in uu u tagay shalay galab gabar uu Abti u yahay oo magaceeda la dhaho Ubax, kadibna uu ka soo watay gabar yar oo ay dhashay oo 10-bilood jir ah, wuxuu uga soo qaaday inuu geynayo tallaal caafimaad.
Saacado kadib ayaa waxaa laga wacay taleefankii uu watay, wuxuuna Hooyadii dhashay ugu jawaabay sida naloo sheegay ka Samir gabadhan mid kale eebe haku siiyo, kadibna taleefoonka ayuu ku damiyay, waana uu dansaday taleefankii gabi-ahaantiisa.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa falkaan uu sameeyay odeyga Awoowga ah,balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in lacago uu ka doonayo.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay Mas’uuliyiinta Maamulka Deegaanka Siinka dheer inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku Helno si aan wax ugu weydiino arintaan.

