Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Iscasilay

0

Wasiirkii Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen),ayaa iska casilay xilkii wasiirnimo.

Waxa uu sheegay in uu u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Aniga oo tixraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka koonfur Galbeed ee ahaa in qof xil haya uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo shaqeynay”, ayuu yiri Laftagareen.

C/casiis Lafta Gareen oo ah shaqsi saameyn ku leh Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan u tartamay Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here