Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Xildhibaan Carfo Ibraahin Aadan ayaa iska casilay xilkii.
Iscasiladiisa ayaa timid kadib markii maanta uu shahaadooyin gudoonsiiyay dhowr Musharax oo u taagan Xilka Madaxweynaha maamulkaas.
Dhanka kale waxaa soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheynayo inuu ka tanaasulo musharaxnimada doorashada Maamul goboleedka Koofurgalbeed.

