Ergeyga Gaarka ah Ee Qaramada Midoobeey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Nichalas Haysom ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadda ay Caqabad ku noqon karto Caawimaadii Soomaaliya lasiin jiray.
Waxa uu ku baaqay in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Madax Goboleedyadda Soomaaliya.
“Waa Maxay Xilligaan waxa keeni kara in la is khilaafo,Siyaasada waa la iskaga hor imaan karaa,balse maahan inay gaarto heerkaan oo kale,ayuu yiri Danjire Haysom.
Dhanka kale waxa uu sheegay in ay wadaan wada hadal ay la qaadanayaan Madaxda Dawlad Gobolleedyada loona dhageysto Tabashada ay qabaan kadibna ay Dawlada Federaalka ay la kulmi doonaan Xubnaha ugu sareeya si xal waara loo gaaro.

