Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay Duleedka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Deegaanada Weydoow iyo Macaani oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa oo ku aasnaa dhulka ayaa lala eegtay gaari dagaal oo ay la socdeen kolonyo Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran.
Inta la xaqiijiyay 3-askari ayaa ku dhimtay qaraxa, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

