Ciidamo La Wareegay Garoonka Jen. Maxamed Abshir ee Magaaladda Garoowe

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka ay la wareegeen Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir ee magaaladaas.

Ciidamadaan ayaa wararku sheegayaan inay ka yimaadeen aagga dagaalka ee degaanka Tukaraq iyadoo ka cabanaya arrimo kala duwan, waxayna gebi ahaan la wareegeen Garoonka Garoowe, iyagoo ka cabanaya mushaar, sida uu sheegay taliye Sumeysane oo hoggaamimaya ciidamada gadoodsan.

Dhanka kale waxaa socda dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa cabashada Ciidamdda ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here