Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho.
Wadada Makka Al-Mukarama oo ah mida ugu mashquulka badan Magaaladda ayaa saakay xiran,waxaana halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliska.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad kusoo lugeeyay wadadaas,waxaa loo diidayaa gaadiidka dadweynaha in ay isticmaalaan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho ay kusoo wajahan yihiin Wafdi ka socda Midowga Afrika.

