Al-Shabaab oo Qaraxyo Kula Eegtay Ciidamadda Kenya Magaaladda Madheere

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Gawaari Ciidamadda Kenya ay wateen oo lagu gubay Magaaladda Madheere ee Gobolka Woqooyi bari dalka Kenya.

Gawarida laga qarxiyay ciidamada Kenya ayaa gaaraya illaa labo gaari oo ah nuuca ciidamada qaada waxaana xilliga la qarxinayay ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Carabiya iyo Finnoow ee ka wada tirsan Mandheera.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamadda shabaab u qaabilsan dhanka qaraxyadda ay beegsadeen gaadiid ay wateen Ciidamadda Kenya oo marayay Magaaladda Mandheere.

Shabaab waxa ay sheegeen in khasaare dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay Ciidamadda kenya ,islamarkaana dib laga soo sheegi doono xogta qaraxyadda oo dhameystiran.

Labadan weerar ee maanta lagu qaaday ciidamada Militariga Kenya ayaa kusoo aadaya xilli sbuucii hore ay Shabaab weerar lagu dilay laba katirsan ciidamada Kenya ay ka fuliyeen deegaanka Carabiya oo aanan sidaas uga fogeyn goobta uu weerarkaan maanta ka dhacay.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Kenya oo Loogu Hadlaayo qaraxyadda Shabaab ay sheegteen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here