Seddex Ruux oo Loo Qabtay Dilkii Foosha Xumaa ee Axmed Dowlo!

0

Ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 3-ruux oo lagu eedeynayo dilkii  loo geystay Axmed Dowlo oo Dhawaan lagu dilay Degmadda Yaaqshid ee Magaaladda Muqdisho.

Ragga la qabtay waxaa kamid ah wiil la dhashay Gabadha oo lagu magacaabo Aweys Iidow,waxaana laga soo qabtay guri ku yaala Degmadda Yaaqshid.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C.raxmaan Yariisow ayaa bartiisa xiriirka bulshada ee Facebooka ku xaqiijiyay soo qabashada raggaan.

“Maamulka Degmada Yaqshiid iyo Booliska waxey ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo, waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada, waqtigii damiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay.” Ayuu yiri Yariisow

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here