Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir,waxa ay ku dileen Mid kamid ahaa Odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka.
Nabadoon Max’med Cali Feeldheer oo kamid ahaa Odayaashii xildhibaannada Dowladda kasoo xulay dhanka Maamulka Galmudug, ayaa lagu dilay Degmadda Wadajir.
Dilka Nabadoonka waxaa fuliyay rag ku hubeysnaa bastooladoo oo goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay balse kuma aysan guuleysanin in ay gacanta ku dhigaan ragii ka dambeeyay toogashadda.
Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda dilkaan.

