Akhriso:-Duufaanta Luban oo Ku Dhafanaysa Qeybo Kamid ah Soomaaliya

0

Duufaanta  Luban oo loo arko mid ay la socdaan daadad balaaran iyo dabeylo ayaa la filayaa inay ku dhufato qeybo kamid ah wadanka Yemen waxaana laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato qeybo kamid ah waddanka Somalia.

Luban ayaa ah duufaantii 3aad ee sanadkaan ku dhufato badda carbeed waxaana la rajeynaya inay noqoto midi ugu horeysay ee daadad ay la socdaan kana dhacda gudaha waddan Yemen.

Dowladda Yemen ayaa saadaalineysa in duufaantan ay tahay tii ugu xumeed waxa ayna saameyn ku yeelan kartaa wadamad Oman iyo Somalia.

Duufaanta Luban ayaa hadda mareysa dhanka waqooyi galbeed waxa ayna usoo wareegi doontaa dhanka galbeed iyi bartaamaha waxa ayna duufaano awood leh kasoo qaadan doonta inta u dhaxeysa jaziiradda Socotra iyo xeebaha Yemen.

Saameynta ay Soomaaliya ay ku yeelan karto duufaantan ayaa waxay ku tiirsan tahay awoodda ay ku socoto  haddii duufaantu ay ku socoto waqooyiga islamarkana ay daadad ka geysato bariga Yemen Somalia waxay ku yeelan kartaa saameyn aan sidaa usii weyneen.

Balse haddii duufantu ay isku rogto galbeedka ama xitaa koonfur galbeed ee waddanka yemen oo la xiriira xeebaha waqooyi ee Somalia waxa ay saameyn ku yeelan kartaa qeybo kamid ah waddanka Somalia maalinta sabtida ee bilowga todobaadka soo socdo.

Ugu dambeyn war bixinta ayaa intaa ku dareysa in qof walbo oo ku nool goobaha looga cabsi qabo duufantaan inay sameysto qorshe uu kaga dheeraan karo dhibaato walba oo kaso gaari karta Duufaanta Luban.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here