Warbixinta sanadlaha ah ee golaha amaanka Qaramadda Midoobay oo aan wali la daabicin ayey kormeerayaasha waxa ay sheegeen in Al Shabaab uu dhaqaalo badan kasoo galo goobo nidaami ah oo kala duwan juquraafi ahaan marka loo fiiriyo dowladda federal-ka Somalia.
Warbixinta ayaa sheegtay in tan iyo bishii march ujeedada ugu weyn ee iibinta shixnadaha ay aheyd isticmaalka cadeymo been abuur ah oo laga keenay waddamada Comoros, Ivory Coast iyo Ghana waxaana dhuxusha Somalia la geyn jiray dekadaha waddanka Iran halkaas oo dhuxusha lagu baceyn jiray laguna gelin jiray baakadaha cad cad ee badeecooyinka Iran.
Iran ayaa noqotay xarun ku-meel-gaadh ah oo loogu talagalay shixnadaha – waxa ayna jabisay xeerkii Qaramadda Midoobay ee ku aadanaa mamnuucidda dhoofinta dhuxusha Somalia kadib markii waddanka Cumaan uu adkeeyey nidaamka la dhaqanka macamiisha ayaa lagu yiri warbixinta.
Warbixintaan ayaa lagu qiyaasay in qiimaha dhuxusha ee sida sharci darrada looga dhoofiyo Soomaaliya ay tahay $ 150 milyan sannadkii waxaana ku jira dhuxusha loo dhoofiyo Imaaraadka,oo si weyn loogu isticmaalo karinta iyo sameynta shishada. Waxay sidoo kale warbixintu ay qiyaastay in ilaa saddex milyan oo kiish oo dhuxul ah laga dhoofiyey Soomaaliya sannadkii la soo dhaafay.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa Somalia ka mamnuucay dhoofinta dhuxusha laga soo bilaabo sannadkii 2012-kii, iyagoo ku baaqay in la jaro maal gelinta Al-Shabaab ay ka hesho dhuxushaas.

