Shirkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedka oo U Muuqda in uu Baaday

0

Arbacadaan maanta ah hogaamiyayaasha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa la filayay inuu shir uga furmo magaalo madaxda puntland ee Garoowe inkastoo uu shirkaasi maanta baaqday kadib markii ay soo xirayeen shirkii ay ku yeesheen Kismaayo horaantii bishii hore ee September waxaana loo maleynayaan  baaqashada shirkan maanta la filayay inuu qabsoomo  madaxda dowlad goboleedyada ee golahan ku mideysan oo an wili Garowe gaarin iyo siyaasad kale oo golaha ka dhex jira.

Madaxweynayaasha qaar ayaa wali dalka ka maqan sida midka Jubbaland Axmed Maxamed Islmaam Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Sahriif Xasan Shekh Aadan.

Hase ahaatee baaqashada shirkaasi iyo hadalkii madaxweyne Waare uu ku  sheegay in aanu sharci aheyn shir maamulkiisa ka maqan yahay inay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada waxaa soo dhaweyay uu guul siyaasadeed ku tilmaamay Xildhibaan Cabdulahi Shekh Ismaaciil oo kamid ah baarlamaanka Fadaraalka wuxuuna sheegay xildhibaanku inay muhiim tahay in madaxda dowlad goboleedyada inay gartaan in dowlada dhexe ay tahay dowlada ay dadka dhan wada leeyihiin.

Madaxweyne Waare oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka kooban yahay shan maamul, isagoo xusay in aanu sharci aheyn go’aan ama talo ay gaar u gaaraan afar maamul Waare ayaa sidoo kale soo hadal qaaday shirka ka dhacay Nairobi oo uu xusay in aanay matalaad ku laheyn Hirshabeelle, isla markaana aan ay ka warqabin waxa lagu wado magaca Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Xildhibaan Cabdulahi Shiikh Ismaaciil oo wareysigiisa Simba sii wata ayaa sheegay  in madaxda maamulgoboleedyada ay  la waangsantahay  inay la yimaadaan habdhaqan wanaagsan ay dowlada kula tacaamulaan.

Si kastaba ha ahaatee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo la aas aasay sanadkii hore ayaa markii u horeysay soo kala dhex galay inay kala mowqif noqdaan shantii maamul ee ku mideysnaa, kaddib markii Hirshabeelle ay gooni iska taagtay mowqifkeedana cadeysay inaysan ka qeybgali doonin shirka lagu wado inuu Garowe ka qabsoomo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here