Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa geeriyooday kadib markii qarax gaari ku xirnaa barqanimadii maanta lagu weeraray xarunta degmada Hawl-wadaag.
Afhayeenka Maamulka Gobolka banaadir Saalax Xassan Cumar oo goobta tagay ayaa sheegay in qaraxa uu ku xirnaa gaari ku raaxadda ah, islamarkaana la doonayay in lagu galo xarunta Degmadda holwadaag balse laga hortagay.
Waxa uu sheegay in khasaaraha uu yahay 3-askari oo dhimasho ah, iyo 14 dhaawac ah oo 6-kamid ah ay yihiin caruur ku sugnaa dugsi qur’aan.
Qaraxaan waxaa ku dhaawacmay sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada degmada oo xilliga qaraxa dhacayay ku sugnaa degmada.
Dhanka kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ee xarunta Degmadda holwadaag ee gobolka banaadir.

