Al-Shabaab oo Ka Hadlay Qaraxa Lagu Weeraray Xarunta Holwadaag!

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyaddda qarax gaari loo adeegsaday oo maanta lagu weeraray Xarunta Degmadda Holwadaag ee Gobolka banaadir.

Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxaan lagu dilay 10-ruux oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiil Ciidan oo xiligaas ku shirsanaa xarunta Degmadda sida ay sheegeen.

“Al-shabaab ayaa weerar ismiidaamin ahaa  ku weeraray xarunta maamulka degmada Howlwadaag, waxaana jira khasaara cadawga soo gaaray” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab soo saartay.

Dhanka kale Hay’adda amaanka Dowladda Soomaaliya  oo qaraxaan ka hadlay waxa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen 3-askari, halka ay ku dhaawacmeen 14-ruux oo lix kamid ah ay yihiin caruur iyo guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada degmada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here