Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen xaafadd ka Tirsan Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay habeen hore Kaas oo ahaa mid lagu sugayay Nabad-galyada Shacabka, Islamarkaana ay Ciidanka amniga gacanta ku soo dhigeen labadaasi nin.
“Habeynimada 23ka Agoosto, ciidanka Nabadgelyada Dowlada Federaalka ah ayaa Degmada Wadajir waxay howlgal kusoo qabteen labo shakhsi oo Alshabab ah. Howlgalkaan oo lagu sugayay nabadgelyada dadwaynaha soomaaliyeed, cidna wax kuma noqon.”ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay NISA.
Ciidamadda Hay’adda NISA ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ay ka sameenayaan xaafadaha magaalada Muqdisho,kuwaasi oo lagu baadi-goobayo Al-shabaab.

