Shabaab oo Soo Bandhigay Siduu u Dhacay Weerarkii Bariire, Gaadiidka Ciidamada Danab+Sawirro

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay FIlim ka turjumaya dagaalkii bishii August ee sanadkii hore ka dhacay Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Filimkan oo socon doono 30-daqiiqo ayaa lagu soo bandhigayaa qaabkii uu ku bilowday weerarka, sida dagaalyahanada Al-Shabaab daqiiqado kooban gudahood ula wareegeen saldhigga, ayna u laayeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab.

Sidoo kale muuqaalka ayaa waxaa ku jira meydadka tobanaan ka tirsan Ciidamadda Dowladda, burbur xoogan oo soo gaaray xerada, iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo qaatay dhamaan gaadiidkii iyo agabkii yaalay xerada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here