Wararka ka imaanaya Degmadda Garba-haarey ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in saakay banaan-bax xooganaa uu ka dhacay Degmadaas.
Banaan-baxaan oo ay dhigayeen shacabka Degmadda ayaa loogu soo horjeeday Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo shalay gaaray Degmadaas.
Korneel aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in shacabka ay si nabad galyo ah u banaan-baxayeen markii hore,balse ay raasaas la dhaceyn Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha Degmada Garbr-haarey Amiino Cadow Kaarshe.
Sidoo kale Korneel Rufle waxa uu sheegay in arinta uu soo faragliyay wasiirka Qorsheynta Maamulka Jubba-land aadan Aw Xirsi, balse dadkii banaanbaxa dhigayay ay dhagaxeeyeen,taasi ay keentay in uu ka dhaawacmo wajiga.


