Madaxweyne Cusub oo Loo Doortay Dowladd Deegaanka Soomaalida

0

Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) oo 45-sano jir ah  ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ee Caasimadda Ethopia ayaa Mustafa u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowladd deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar oo sanado xukumayay Maamulkaas, islamarkaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.

madaxweynaha cusub ee Dowladd Deegaanka Mustafe Cagjar ayaa lasoo shaqeeyay Hay’addaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda OCHA,wuxuuna kamid ahaa ragii mucaaradsanaa Maamulkii madaxweynihii Hore.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here