Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Saraakiil Ku Labisan Dharkii Ugu Danbeeyay Guutada Farmaajo Ee 14ka October (Sawirro)

0

Hogaanka xarakada Al shabaab ayaa deegaanada iyo degmooyinka ay ka maamulaan gobalada dalka waxa ay kula ciideen boqolaal shacab Soomaaliyeed oo ku dhaqan goobaha ay maamulaan.

Alshabaab ayaa dhoolatusyada Military kusoo bandhigay degmada Buq Aqablle ee gobolka Hiiraan Deegaanka Buula Fuulaay ee gobolka Baay, Degmada Ceelcadde ee gobolka Gedo, degmooyinka Janaale, Kuunya-barrow, Sidoo kale magaalooyinka Jilib, Saakoow iyo Bu’aale oo dhammaantood katirsan gobollada Jubbooyinka, ayey Xoogaga Al shabaab kusoo bandhigeen dhoolatuskaasi Military.

Saraakiisha ugu sareysa faraca Alqaacidda ee Soomaaliya ayaa kasoo hor muuqday caamirooyinka garabka Warbaahineed Al shabaab inta lagu guba jiray shalay munaasabada ciidul Adxaa, iyaga oo ku labisan qaarkood dharka ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada cusub ee loogu magac daray 14ka October kuwaa oo madaxweynaha Farmaajo sheegay iney amaanka magaalada sugayaan.

Abuu Cabdalla ayaa kamid ahaa xubnaha saraakiisha Al shabaab ee dharkaasi ku labisnaa.

Su’aasha dadka intooda badan amakaag ku noqotay ayaa ah, side Al shabaab ugu fududaatay iney gacanta ku dhigaan dhareeskaasi loogu tala galay  ciidamad loogu magac daray 14ka October oo qaab dhismeedkooda lamid yahay Maleeshiyada Shiicada “Xashdu shacbi” ee ka dagaalanta dalkaasi Iraaq.

Guudtada 14-k October, waa Ciidan sida Militarigii loo qalabeeyey oo aan ka tirsaneyn, Afarta Ciidan ee Qaranka Soomaaliyeed ee kala ah,Xooga dalka,Booliska,Nabad Suggida iyo Asluubta, kuwaasi oo bilowgii bishii july la wareegay Amniga magaalada Muqdisho ka dib markii Xukumada kheyre ay kala dirtay Ciidankii Xasilinta oo dariiskooda lagu weeraray Xarumaha Otto Otto ee Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here