Kooxo hubeysnaa ayaa caawa Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen Labo Wiil oo walaala ahaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dilkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-kontorool Afgooye iyo Xaafada xoosh ee Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir.
Ragg ku hubeysnaa bastooladdo ayaa geystay falka dilka ah,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay durbadiiba.
Wiilashadda la dilay ayaa lagu kala magacaabi jirey Saneey iyo Xuseen Faarax,waxana la xaqiijiyay in mid kamid ah uu ahaa askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa goordhaaweyd Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.

