Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab iyo Ciidamo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Shabaab ay ku lahaayeen Gobolkaas.
Saldhigyadda la weeraray ayaa ku yaala deeganada Basra, Buulo kuunto,Garasweyne Daniga Baalow.
Ciidamadda isgarabsanaya ayaa waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan deeganaddaas oo shabaab ay ku lahaayeen saldhigyo, sidoo kalana ahaa goobo lagu tababaro askarta.
ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay howlgalkaan.

