Kooxo hubeysnaa ayaa maanta Magaaldda Mudqisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Somaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Waabari ee Gobolka banaadir,gaar ahaan meel ku dhaw xaafadda Buundooyinka.
Ragg hubeysnaa oo bastooladdo watay ayaa fuliyay dilka askariga oo ka tirsanaa qaybta dambi baarista ciidanka Booliska Somaaliyeed,waxayna ku dhufteen dhowr xabadood oo keentay in isla goobta uu ku geeriyoodo
Dhanka kale ragii fuliyay dilka ayaa goobta ka baxsaday,waxaana goobta laga qaaday meydka askariga oo la geeyay Xarunta C.I.D halkaasi oo la dhigay si baaris loogu sameeyo.
Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilkaan.

