Jamhadda ONLF ayaa war kasoo saartay Isbadalkii shalay ka dhacay Dowladd deegaanka Soomalida Ethopia,iyo Madaxweynaha Cusub ee la doortay.
Afhayeenka Jabhadda ONLF, C/qaadir Hirmooge Cadaani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In ay saluugsan yihiin waxa ka dhacay Magaaladda Jigjiga,wallow ay isbadal rajeynayaan.
“Ninka cusub ee xilka loo dhiibay waa qof dhalinyaro oo ka tirsan maamulka jira. Laakiin aan ku lug-lahayn dhibaatooyinka dhacaya. Waxayna ka wanaagsan tahay intii ay dowlada Federaalka soo xuli ahayd. Waana inaan waqti siinaa,” ayuu yiri Cadaani
Dhanka kale Afhayeenka Jabhadda ONLF ayaa ku eedeeyay Dowladda federaalka Ethopia in ay faragalin ku hayso Dowladd deegaanka Soomalida Ethopia.
Isbadal muddo la sugayay ayaa shalay ka dhacay dowladd deegaanka Somaalida Ethopia, axmed Cabdi Sheekh Maxamed wasiirkii hore ee Maaliyadda, ayaa loo magacaabay Madaxweynaha Dowladd deegaanka Soomalida Ethopia, isaga oo xilka kala wareegay Cabdi Maxmuud Cumar kaasoo iscasilay.

