Dowladda oo Sheegtay in La Khaarijiyay Kuwii Dilay AUN Maxamed Maxmuud+Sawirro

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay toogteen toogtey rag  hubeysnaa oo Baabuurta ka dhex toogta dad aan waxba galabsan.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in haayo cadaymo muujinaya in ragaan ay ka danbeeyeen dilkii Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen ragga la dilay iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen.

Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay falkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab ay ku dhex dileen qof salaad ku jiray oo dukanayay, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo sida Shabaab ay uga been sheegayso diinta islaamka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here