War Deg Deg;-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax xoogan oo gaari loo adeegsaday ayaa caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaiya.

Jugta qaraxaan ayaa si weyn loogu maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxaan ayaa ka dhacay  wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho,gaar ahaan meel aan sidaan ugu fogeyn  Shaleemo Soomaali.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la beegsaday maqaaxi ku taala wadada Maka Al Mukarama.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here