Amar kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdulqaadir C/llahi Xasan Shaango, oo ah Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir.
Shaango ayaa lagu eedeyay qaadasho laaluush,waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed,sida uu sheegay gudoomiyaha Maxkamadda gobolka banaadir.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

