Wasiir cawad:-“Waa La Xaliyay Khilaafkii Ka Dhashay Isku-deygii Xariga Wasiir ku-xigeenka”,

0

Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay wixii maanta ka dhacay xarunta wasaaradda oo ku taala Degmadda Wadajir ee Gobolka banaadir.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyay in la xaliyay murankii ka dhashay isku daygii ciidamada ku doonayeen inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka, kadib markii uu Khayre soo dhexgalay.

“Markii dambe waxaa soo faragaliyay arinta ra’isul wasaare Khayre oo amar ku bixiyey in dib loo celiyo ciidankii Wasaarada iyadoo wasiir kuxigeenku uu shaqadiisa dib ugu laabtay si caadiya” ayuu yiri Wasiirka Arimaha dibada ee dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Booliska Jeneraal Bashiir, ayaa dib u celiyay ciidankii wasaarada tagey markii uu lasooa hadlay Ra’iisul Wasaaraha,waxaana wasiir kuxigeenka loo fasaxay inuu shaqadiisa dib ugu laabto, sida wararka ay sheegayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here