Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka Tirsanaa Xarakada Al-shaabab,kadib howlgal ay ka sameeyeen Degmadda Wadajir ee gobolka banaadir.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa xaqiijiyay in shacabka Degmada Wadajir iyo Ciidamadda amaanka oo iskaashaday kadib lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.
“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka. Aad ayaan ugu bogaadinaynaa Bulshada Caasimadda feejignaanta ay kaga jiraan Shabaab iyo sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka”, ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

