Hanti dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda mudane Muqtaar Mahad Daauud loo heysto tagrifalka Hantida Qaranka.
Waxa uu tilmaamay in 4-tii April ee sannadkaan uu Gal-dacwaddeed ka dhan wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda u gudbiyey xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaas oo la xiriirrtey ku tagrifalka Hantida Qaranka.
“Masuulkaas oo uu magaciisu yahay Mudane Muqtaar Mahad Daauud ayaa sameeyey ku tagrifal aan wali wadankaan ka dhicin, isagoo ku xadgudbay shuruucda u dagsan maamulka Maaliyadda, qaasatan dakhliga wadanka usoo xarooda iyo sida loo maamulo iyo midka xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka”ayuu yiri Hanti-dhowraha guud ee Qaranka.
Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo hey’adha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.
Ciidamadda booliska Soomaaliyeed ayaa saakay xafiiskiisa ku weeraray Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda mudane Muqtaar Mahad Daauud,waxayna u wadeen dhanka Xarunta CID inkastoo markii la xaliyay arinta.

